Dowladda Turkiga waxay shaaca ka qaaday inay Albaabadda u furayso Bukaanadda 31-Waddan, si loogu daaweeyo Isbitaalladda ku yaalla Turkiga.

Dowladda Turkiga waxay shaaca ka qaaday inay Albaabadda u furayso Bukaanadda 31-Waddan, si loogu daaweeyo Isbitaalladda ku yaalla Turkiga.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee Turkiga ayaa lagu sheegay in laga bilaabo bishan May 20-da la qaabili doono Bukaanadda aan qabin Cuddurka COVID 19 ee dalalka Somalia, Jabuuti, Qatar, Kuweyt, Baxrayn, Cumaan, Algeria, Iraq, Libiya, Azerbajaan, Georgia, Turkmenistan, Uzbekistan, Kazakhistan, Giriiga, Yukrayn, Raashiya, Kosovo, Bosnia Herzegovina, Albania, Bulgaria, Moldova, The Netherlandd, Pakistan, Karaqistan, Jarmalka, Britain iyo Jamhuuriyada Turkishka ee Waqooyiga Qubrus.

Bukaanadda loo oggolaado inay Socdaal Caafimaad ku tagaan dalka Turkiga waxaa looga baahan yahay in laga baaro COVID 19, ka hor intaysan u dhoofin Turkiga, waxaana bukaan kaste loo oggolaanayaa 2 qof oo caawisa, kuwaasi oo la doonayo inay wataan Waraaqaha Caddaynta inay ka bad-qabaan Cuddurka COVID 19.

Bukaanadda iyo dadka wehliya waxay baaritaan kale ku marayaan marka ay ka degaan Garoomadda Diyaaradaha ama Xuduudaha laga soo galo ee Turkiga sida ku cad bayaanka wasaaradda Caafimaadka dalka Turkiga.

Hadalka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Turkiga ayaa lagu sheegay marka ay Bukaanadda iyo dadka la socda ay soo gaaraan Turkiga in si toos ah loogu qaadi doonaa Isbitaalka ay ballamada la leeyihiin, loomana oggolaanayo in ay degaan goobo kale.

Dalalkaan ayaa u badan kuwa adeegyadooda Caafimaad aadka u liitaan, waxaana Dowladda Turkigu sheegtay in ay 31 Waddan ee ay ku jirto Soomaaliya ay helidoonaan adeegyo caafimaad.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: