Taariikh Nololeedkii Marxuum Mohamoud Sugule Mohamoud

Waxaan rabba in aan halkan in yarku soo qoro tariikh nololeedkiiMarxuum Mohamoud Sugule M ooMaantaku oo tariikhdu tahay 17/05/20 ku Geeriyooday wadanka Sudan Casimadiisa Khartuum illahay Naxariis iyo janno ha siiye

Marxuumku Waxa uu ka dhashay Magalada Laasqoray Sanadkii 1956 Horaantiisii Sida uu ii Sheegay adeerki H M Guribar Waxa u malcaamada ka billaaby Isla magaladaLaasqoray

Marxuumku waxa uu Sanadkii 1966 ka billaabay isla Magalada Laasqoray Dugsigiisii Hoose waxan uu u soo dhamaday 1970

1970Marxuumku waxa uu ka Billaabay Dugsigii Dhexe waxan uu ku biiray Dugsigii Dhexe ee caanka ka ahaa gobolada Waqooyi ee Dayaxa Marxuumku waxa uu ahaa nin tacliinta aadugu fiican illahayna uu siiyay Dad la dhaqan intii uu dhiganaayey Marxuumku Dugsigaas sida uu ii sheegay waxa uu ku lahaa Asxaab aadu badan qaarkoodna illaa hadda uu Saaxiib la ahaa

Waxa uu dhamaystay Dugsigii Dayaxa 1974 waxana uu aha ninki labaad ee ugu darajada sareeyey Imtixaankii laggag baxayey fasalka Siddeedaad waxaana sidaa ii sheegay Marxuumka waxaan ka hubiyay oo isna ii sheegay M Haji Hasan oo ka mid ahaa ardaydii ay imtixaanka wadda galeen isla sanadkaas Sida caadadu ahayd ardayda ugu sareysa waxa laguabaal marin jirayDugsigiiFarsamada Gacanta Burco

waxa uu billabay Dugsigii farsamada Gacanta Burco 1974 waxan uu dhameeyey 1977 Sanadka ka bacdi Marxuumku waxa uu ka mid noqday arday badan oo berigaas u shaqo tagay wadamada Carabta waxan uu gallay wadanka Sacudi Arabia

Markiiu gaadhay wadanka Sacudi arabi isla billo ka bacdi waxa uuimtixaan ugallay shaqoka bannaantay American Saudi Hospital ee Magalada Jida

imtixaankiia ayu Galay kuna guulaystay mudo ayuu ka shaqeeyey Cisbitaalkaas qaybta Maamulka sidaan hore u soo sheegnay Marxuumku waxa uu ahaa nin meesha uu joogo markaba laga jeclaysto Akhlaaqdiisa iyo aqoontiisa,Sida uu ii sheegay Marxuumku waxa uu ku bartay shaqadas nin dhalinyaro ah oo sacuudi oo Marka ka soo baxay Jamacad England ah oo mesha Training loo keenay

Muddo ayan ninkii Tabbabar ku siiyay Cisbitaalkii mudo ka bacdina shaqo sare aya looga magcabay Shirkada Saudi Arabia Airline ayuu yiri Marxuumku

Markii uu xafiiskii la wareegayna anna waa isoo Wareejiyay oo shaqo tii hore ka fiican oo ka saraysa ii magcabay oodhinaca Information Technology ah Training Badana isiiyay

Mudo toban sano ah ka bacdi waxa u Marxuumku shaqo ka billabay Shirkadii waynayd ee DMI ama Dar mal Islami oouu CEO ka haa wallaalkii Omar Abdi Ali Waxan uu u qaabilsanna Dhinaca IT

Mudo Ka bacdi waxay Gooaan Gaadheen isaga iyo Oday Omar Abdi in ay shirkad Cusub ka assaasaan wadanka Sudaan Casimadiisa Khartuumshirkadaas oo ay u bixiyeen Quadron Investment Co Ltd ooshaqadeedu u badnayd Dhinaca Real Estate ka illaa hada uu ka ahaa Marxuumku Managing Director halakn kuma soo koo bikarno shaqada uu qabtay intii uu halkaas joogay sidda uu caawimi jiray dadka dhibaataysan ardayda dadka safarka ku yimaad waxa uu ahaa nin Naxariis badan Akhlaaq badan waligii Isagoo qof wax ka sheegaya aadan arkayn waji furan sadaqad Badan

Waxaan ku soo geba gebaynayaa Tixdan geerarka ah

Gablan talo aduuney maxay galaba heer joogtay
Geeridu xaq weeyee muxuu ruuxba galab hoyday
Guulle waa xaqsooree muxuu gooyay xugunkiisa
Gagagabo arooryaad miyuu iigu yimid goohu
Gooraanan filnayn miyay geeridii qabatay

Gacaliye walaalkay miyay goysay rubadiisa
Garabkaygii midig miyaa goobta laga qaaday
Gooray aroor tahay miyuu mobil igu guuxay
Anigoo gariiraya miyaan laacay garabkayga
Garabdaar sidaan qabo ma iri go,aye yaa hoyday
Gacliye Mohamoud ba guule naga qaaday
Goortaan maqlaan ilmada gabax kasoo siiyay
Gudcur iyo mugdaan galay oon is garan waayay
Gabb ayaan ku iri dhulkoon garashadii waayay
miyirkay gadmaday oo saacadaan gorofsanaa meele
Goor danbaan baraarugay anoo jiifa gaggidiiye
Gocoshaan naftaydii ku iri geerida ha diidin
Guud ahaan inaan socono oo dunidu guurayso
Guullena midaas uu xukumay kuna go,aan gaaray
iyo geediga la galayaa dadow waan garowsanahay
Waxse aan la geerarayaa galabta waa ciile

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s