Mid kamid ah wasiiradii uu ku dhacay cudurka Coronavirus oo war cusub kasoo kordhay

Wararka aan ka helayno madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe ayaa sheegaya in diyaarad gaar ah ayaa loo dalbay Wasiirka Deegaanka Puntland Prof. Ismaaciil Diiriye Gamaadiid oo ka tirsan gollaha xukuunadda Puntland, kaas oo xaaladiisa caafimaad wax looga qaban kari waayey gudaha Puntland.

Wasiirka ayaa waxaa hore ugu dhacay cudurka Coronavirus, hasa yeeshee waa uu ka bogday balse waxa uu kaga tagay dhaawac la xidhiidha dhanka Sambabada.

Dhaawacan uu ku sababay cudurku wasiir Gamaadiid ayaa waxa uu waxyeelo u gaystay xubnaha neefta qofka sahla sida ay sheegeen dhakhaatiirtu, waxaana uu dalbaday diyaarad uu ku tago magaalada Muqdisho si uu ugu sii gudbo dalka Turkiga si xaaladiisa wax looga qabto.2

Shirkaddaha Diyaaradaha ayaa diiday dalabka wasiirka, waxaana madaxweynaha Puntland uu amar ku bixiyey in la diyaariyo diyaarad khaas ah oo qaada wasiirka.

Bukaanka ayaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay diideen in ay Muqdisho geeyaan diyaaradaha rakaabka ah, balse madaxweynaha Puntland ayaa amray in duulimaad gaar ah loo kireeyo, taas oo ka qaadaysa wasiirka Garowe gaynaysana Muqdisho halka loo diyaariyey safar Turkiga si wax looga qabto xaaladiisa caafimaad.

Mr. Gamaadiid ayaa kamid ahaa xubnihii Qardho gurmadka u tagay balse cudurka kasoo qaaday, waxaana muddo uu karantiil ku ahaa gurigiisa halka uu cudurka ka bogsaday saamayna uu kaga tagay dhanka sambabada.

Xogsan Media - Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Puntland Prof...

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s