C/rashiid Xidig “Madaxweyne Farmaajo waxaa ugu baaqayaa inuu si degdeg dalka uga saaro Amb. Madiera”

ildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ahaa Golaha Is bedel doonka Jubbaland ee dhowaan heshiiska la gaaray Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si kulul u cambaareeyay hadal uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ka jeediyay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera

C/rashiid Xidig ayaa sheegay in markii koowaad ay tahay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey laga sheego qabiil Soomaaliyeed, isagoo ku eedeeyay Wakiilka Midowga Afrika inuu u gafay beel Soomaaliyeed.

“Waa markii koowaad oo golaha ammaanka laga sheego qabiil ka mid ah qabiilada soomaaliyeed magaciisa, waa beel soomaaliyeed waa lagu xadgudubay, ma rabno inay noqoto albaab ay doonayaan inay furtaan dadka doonaya inay soomaaliya ka macaashaan ee ajaaniibta ah”ayuu yiri C/rashiid Xidig.

Waxaa uu sheegay inay gal dacwadeed ka dhan ah Howlgalka Midowga Afrika, gaar ahaan Ergeyga Midowga Afrika Amb. Francisco Madiera ka furi doonaan, isagoo xusay inuu la saftay kooxo gaar ah, farahana la galay siyaasad gaar ah.

Xidig ayaa soo jeediyay in si degdeg ah dalka looga saaro Amb. Madiera, si la mid ah sidii la yeelay Diblomaasiyiintii horay dalka looga eryay oo uu tilmaamay in wax ka sahlan ay sameeyeen waxa uu sameeyay Madiera.

“Waxaa ugu baaqayaa Madaxweyne Farmaajo inuu qaato doorkiisa hoggaaminta dalka, oo uu si degdeg ah dalka uga saaro amb. Madiera”ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Amb. Madiera ayaa shirkii Golaha Ammaanka ee uu dhowaan ka yeeshay arrimaha Soomaaliya waxaa uu ka sheegay in heshiiska dhex maray Hoggaamiyaha Jubbaland iyo mucaaradka Beesha Ogaadeen oo ugala jeeday xubnihii ka soo horjeeday doorashadii Axmed Madoobe.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s