Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Ku Noqoshada Miisaaniyadda 2020 oo 35% La Kordhiyay

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka Golaha wasiirrada oo maanta si aqlabiyad leh loogu ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda sanadka 2020 oo la kordhiyay

Guud ahaan kharashka miisaaniyadda ayaa dhan $646.9 milyan oo ka kooban kharashaad mashaariic iyo kharashaad howl fulineed, waxayna kala yihiin; Kharashaadka mashaariicda oo korordhay $40.9 milyan, halka Kharashaadka howl fulinta dowladda ay ku korortay $129.9 million.

Kororkan kharashaadka ayaa loo adeegsanayaa la taacaaliidaa safmarka Covid19, Doorashooyinka, daadadka iyo xaaladaha bini’aadamnimo ee dalka la soo dersay.

Dakhliga guud ee dowladda ayaa hoos u dhacay sababo la xiriira xaaladaha COVID19 iyada oo la qiyaasay in ku dhowaad $67 Milyan oo la odorosayay inay dakhilaga gudaha ka soo xerooto ay meesha ka baxayso, balse maadaama dalka deynta laga cafiyay waxa uu helayaa kaalmo toos ah, taas oo buuxineysa hoos u dhaca dakhliga gudaha.

Kabka miisaaniyaddan oo ah dhamaan dalka oo idil ayaa laga helayaa Bankiga Adduunka. taas oo ka dhalatay go’aankii deyn cafinta (Decision Point) Soomaaliya oo ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya aad ugu baahnayad.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s