Madaxwayne ku xigeen Puntland oo boggii uu ku lahaa Facebook hawada laga saaray

Bogga cusub ee madaxwayna ku xigeenka

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in hawada laga saaray pagekii cusbaa ee uu dhawaan samaystay Madaxwayne ku xigaanka Puntland Axmed Cilmi cismaan Karaash.

Axmed Karaash ayaa BBC u xaqiijiyay in barta cusub ee uu Facebook ku lahaa hawada laga saaray.

Waxaa uu sheegay in inta ogaalkiisa ah uu wali barta uu facbook ku leeyahay ay hawada ka maqantahay islamarkana ay baaritaano wadaan.

”Waa ka maqan yahay ayaa la igu yiri waana baaraynaa howshii, hawada in uu ka maqan yahay ayaa la xaqiijinayaa sababta uu uga maqan yahay ayaa la xaqiijinayaa markaan ogaano ayaan ka jawaabaynaa,” ayuu yiri Mr Karaash.

Balse madaxwayna ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi cismaan Karaash ayaan wax faahfaahin ah oo dheeraad ah ka bixin arrintan 

Madaxwayna ku xigeenka Puntland ayaa dhawaan sameysay cinwaankan cusub ee Facebook ah ka dib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxwayne Saciid Cabdulahi Dani.

Madaxwayna ku xigeenka ayaa horey u isticmaali jiray barta ay Facebook ku leedahay madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni (midig) iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash (bidix)

Khilaafkooda

Isfahan waaga labada mas’uul ayaa meel adag gaaray kadib markii 22-kii bishan uu madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni magacaabay wasiirro iyo wasiirro kuxigeen, kuwaasoo uu sheegay inuu kala tashaday madaxweyne kuxigeenka.

Axmed Karaash ayaa beeniyay in lagala tashaday magacaabista wasiiraddaasi.

“Ma dhicin [wadatashi], marxalad aan ka wada tashanno markaa ma jirin…..war dee annagaan salaanta iska qaadin, miyaan wada tashan karnaa,” ayuu yiri Axmed Karaash.

Wasiirrada cusub ee uu magacaabistooda diiday Axmed Karaash waxaa kamid ah rag horay ugala tartamay kursiga madaxweyne kuxigeenka ee Puntland.

Mar la weydiiyay waxa uu hadda yeelayo ayaa madaxweyne kuxigeenka waxa uu ku jawaabay in si odaynimo ah uu hawsha kusii wadi doono, isagoo ilaalinaya dastuurka iyo sharciga.

Deni iyo Karaash ayaa ku guuleystay doorashadii baarlamaanka Puntland ka dhacday 8-dii January 2019.

Ma aha markii ugu horreysay ee labada mas’uul ee ugu sarreeya Puntland ay isku khilaafaan hannaanka awood wadaaga labadooda xafiis, iyadoo madaxweyne iyo kuxigeenkii hore ay isku khilaafeen arimo ku aaddan go’aannada masiiriga ah ee maamulkaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s