In gobalka Banaadir 7 xubnood laga siiyo Aqalka Sare waxey u baahantahay in lagu heshiiyo in Aqalka Sare wax lagu daro, taas oo u baahan iney maamul goboleedyadu wada aqballaan.
Waxey kaloo u baahantahay in dastuurka la badallo, dastuurka in la badallana waxey u baahantahay iney aqballaan 3/2 (saddex meelood labo xubnaha Baarlamaanka).
In lagu heshiiyo in 4.5 loo qeybsado 7-da xubnood ee la siinaayo gobalka Banaadir ayaa iyaduna u baahan iney aqballaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha loo tiriyo caasimadda, hadii ay aqballaana waa iney sidoo kale aqballaan in awooddaha siyaasadeed ee Xamar oo dhan loo qeybsado 4.5.
Aqalka sare kuma dhisna awoodda qeybsiga 4.5 oo beeluhu uma sina xilligaan, sidaa darteed waajib ma’ahan in kuraasta Xamar laga heli doono lagu qeybsado 4.5.
Soomaaliya waxey qaadatay nidaamka Federaalka iyo awood qeybsiga qabiilka taas oo ka dhigan deegaan walba reerka ugu badan ayaa qaadan doona saamiga siyaasadeed ee ugu badan.
Waxa qura ee aan ka fahmay wixii maanta guddiga kasoo baxay waa Xamar waxba uma heyno doorashadda soo socota ee aan mashquulino iyo gorgorin reer gaar ah lagu sameynaayo miisaankooda.
Waxaa qoray Abdullahi Osman Farah