Xal lagga Gaaray khilaafkii M/weyne Deni iyo Kuxigeenkiisa Karaash

https://youtu.be/SdU_TXCquVo?t=2

Garoowe: 02 June 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Dowladdu waxay Bulshada Puntland ugu baaqaysa inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, meel ugasoo wadajeestaan cadowga, iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka , amniga iyo jiritaanka Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s