Maxaa ka soo baxay shirkii xasaasiga ahaa ee Wasiirada, Xildhibaanada iyo Senatorada Hawiye?

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shir xasaasi ahaa oo xalay magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Wasiiro Xildhibaano iyo Senator ka soo jeeda Beelaha Hawiye.

Sida wararju sheegayaan, kulanka oo saacado badan qaatay ayaa looga arrinsanaya arrinta Matalaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir iyo 7-kursi ee Guddiga wadajirka Baarlamaanka ay u qoodeeyeen Gobolka Banaadir in Aqalka Sare laga siiyo kaasoo lagu qeybsanayo nidaamka 4.5.

Xubnaha shirka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur. Wasiirka Ganacsiga, Wasiiru dowlaha Gaadiidka, wasiir kuxigeenada Dekedaha iyo Dhalinyarada Iyo isboortiga, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye kuxigeenada Maaliyadda iyo Howlaha Guud.

Qaar kamid ah ka qeyb galayaasha fadhigan ayaa Warbaahinta Xaldoon.Net u soo dusiyay in madasha ay ku soo afjarantay iyadoo la isku raacay in wadajir loo difaaco xuquuqda dadka gobolka Banaadir, waxaana la is tusay inaan la aqbalin in todobadan kursi beelaha Soomaalida loo qeybiyo.

Si kastaba, qeybinta 7-da kursi ayaa waxaa go’aan ka gaari doona Hoggaanka sare ee dalka, waxaana meel marinta kuraastan u baahnaan doontaa wax ka bedel Dastuurka oo laga rabo Baarlamaanka Labada Aqal inuu ku ansixiyo 3 meel labo meel.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s