Go’aan ka soo baxay kulankii maanta guddiga joogtada ah ee golaha shacabka

 0Share

Muqdisho-KNN-Guddiga joogtada ah golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa waxay ku go’aamiyeen in Arbacada berrito ay xildhibaanada golaha shacabku yeeshaan kulankoodii ugu horeeyay ee kalfadhigan.

Kalfadhigan 7-aad oo ah kii ugu dambeeyay ee baarlamaankan 10-aad ayaa waxaa 6-dii bishan furay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Hab-dhowraha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ajendaha berri ee golaha shacabka uu yahay akhrinta koowaad ee sharciga xisbiyada siyaasadda dalka.

Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa meel marinta shuruuc dhowr ah kuwaas oo lagama maarmaan u ah qabsoomidda doorashada lagu wado inay dalka ka bilaabato dabayaaqada sanadkan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s