Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda Jabuuti iyo Qorshe lagu kulansiinayo isaga iyo Muuse Biixi

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay aan ka helnay ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in bartamaha todobaadka soo socda Madaxweyne Farmaajo uu socdaal ku tagayo dalka Jabuuti, halkaasoo la filayo inuu uga qeyb galo kulan saddex geesood ah oo dhex mari doona Madaxda Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan kulankan ayaa la filayaa inuu dhaco Talaadada soo socda, iyadoo uu sidoo kale uu Jabuuti tagi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Waxaa socda qaban qaabada kulan saddex geesood ah oo dhex mari doona Madaxda dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana kulankan looga hadlayaa arrimaha Gobolka, iyadoo uu socdo qorshe Jabuuti looga qeyb gelinayo mashruuca uu waday Abiy Ahmed ee is dhex galka dalalka Geeska Afrika.

Sidoo kale warar kale ayaa iyana sheegaya in kulankaas looga faa’ideysanayo in Jabuuti lagu marti qaado Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, si isata iyo Madaxweyne Farmaajo loo kulansiiy.

Ilo wareedyada ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Madaxda Itoobiya iyo Jabuuti ay ka qeyb qaadan doonaan isu keenida ulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, goobjoogna ka noqon doonaan heshiis lagu wado inay wada saxiixdaan, kaasoo ujeedkiisu yahay in Somaliland dib loogu bilaabo mashaariicdii dowladda Federaalka ka hakisay.

Dhacdooyinkan soo socda ayaa ku soo beegmaya iyadoo Madaxda saddexdan dal ee Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya ay xaalado kala duwan oo gudaha dalalkooda wajahayaan, gaar ahaan Soomaaliya oo ku jirta kala guur siyaasadeed, iyadoo Madaxweyne Farmaajo muddo xileedkiisa gabaabsi yahay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s