Kulankii Aqalka sare ee BFS oo maanta baaqday iyo eedaymo loo jeediyay guddoonka Aqalka sare

Waxaa maanta baaqday kulankii ay yeelan lahaayeen Senatorada golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay ugu hadli lahaayeen wax ka beddel xeer hoosaadka golaha, inta lagu guda jiro xaaladda ka dhalatay xanuunka safmareenka ah ee COVID-19.

Ma jirin wax sababo ah oo kulanka maanta uu ubaaqday oo ay la wadaageen guddoonka Aqalka sare wariyeyashii tagay xarunta uu ku shiro Aqalka sare.

Balse qaar ka tirsan Senatorada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in ay iyaga hor istaageen kulankii maanta maadaama lagu shiri lahaa dhinaca Internetka.

Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in sharci darro ay tahay in Senatorada Aqalka sare ay ku shiraan aaladda Internet-ka iyadoo taa badalkeeda la heli karo in ay sidii caadiga ahayd ay u kulmaan.

Senator Fartuun Cabdiqaadir ayaa iyaduna sheegtay in guddoonka Aqalka sare looga baahan yahay in ay dhaqan geliyaan xeer hoosaadka Aqalka sare, isla markaasina lagu dhaqmo shuruucda u degan golaha. 

 Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli maalmo ka hor uu jiray khilaaf soo kala dhex galay guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku xigeenkiisa 2-aad Mowliid Xuseen Guhaad, kaas oo ka dhashay kala aragti duwanaansho hanaanka loo qaban doono kulamada Aqalka sare.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s