Madaxeynaha Juballand iyo safiirka Qadar ee soomaaliya oo kulmay Mashariicna ka hirgeliyay Kismayo

Wafdi uu hogaaminayo Safiika Qatar ee Somaaliya Xasan Xamza ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee dawlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kamid ah golaha wasiiradda Jubbaland ayaa safiirka ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha.

Safiirka iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa xariga ka jaray mashaariic hormarineed oo loogu talagalay caruurta agoonta ah ee ku nool jubbaland.

Munaasabad kooban oo lagu daahfurayay mashariicdaas oo lagu qabtay gudaha xarunta ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiinta maamulka.

intaasi ka dib ayaa wafdiga safiirka waxaa ay kulan la qaateen madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed islaam  (Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada waxaana markii uu kulanka soo dhamaaday saxaafada la hadlay safiirka dowlada khadar u fadhiya Soomoaliya Xasan Xamza waxaana uu sheegay in si wadayaan taageerada dadka danyarta iyo adeegyada arrimaha bulshada.

Madaxweyne Axmed Maxamed islaam ayaa uga mahadceliyay dowlada qatar mashaariic hormarineed ee ay ka wado Soomaaliya,waxaana mashaaricda maanta ay xariga jareen  kamid tahay mashruuc loogu talagalay caruurta agoonta. 0

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s