Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Ahmed Shide wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku yimid magaalada magaaladda muqdisho isagoo kulan gaar ah madaxtooyadda ku la qaatay madaxweyne Farmaajo.
Kulanka dhex maray Wafdiga ka socday Itoobiya iyo madaxweyne Farmaajo ayaa looga hadlay arimo badan ku waasi ay kamid yihiin :- xiriirka labada dal, Hindisaha Geeska Afrika, Isku xirka kaabayaasha, hirgelinta heshiisyadi labada dal iyo iskaashiga Amniga.
Sidoo kale wafdiga ayaa dowladda soomaaliya ku wareejiyay daawo loogu talagalay ka hortagga cudurka Coronavirus taas oo ay dowladda Itoobiya ugu deeqday dowladda soomaaliya.
