Kenya “Kursiga aan ku guulaysanay uma adeegsan doono khilaafka nagala dhaxeeya Somalia

Kenya ayaa ku guulaysatay kursi aan joogto ahayn oo ka tirsan golaha amaanka ee Qaramada Midoobe, kadib markii ay codadkii loo baahnaa ay ka heshay tartankii kala dhexeeyey Jabuuti.

Nairobi ayaa wareega labaad ee doorashada heshay 129 cod halka Jabuuti ay heshay 62

Hogaamiyaha aqlabiyadda ee Baarlamaanka Kenya Adan Barre Ducaale ayaa sheegay in dalkiisa uu ka shaqeyn doono wanaajinta amaanka caalamka gaar ahaan kan gobolka.

Ducaale oo idaacadda BBC-da u waramay ayaa sheegay in dalkiisa aanu kursigaasi u adeegsan doonin khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya ee salka ku haya muranka xuduud badeedka labada dal.

“Waxaan u malaynayaa in Soomaaliya ay kamid ahayd dalalkii noo codeeyey markii aan musharraxa ka ahayn Midowga Afrika…. Arinta badda waxay hor taalaa maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Soomaaliya waxay ogoshahay maxkamadda waxay go’aamiso, anagana sidoo kale dalal walaalo ah ayaan nahay mana kala go’ayno” ayuu yiri Adan Barre Ducaale.

Guusha Kenya ayaa ka dhigan in bisha January 2021 ay muddo laba sano ah kamid noqon doonto 15-ka xubnood ee golaha ugu awoodda badan marka laga hadlayo amaanka iyo xasiloonida caalamka.

Go’aanada ay Kenya ku lug lahaan karto ayaa waxaa kamid ah cunaqabateynta, adeegsiga awood milateri si loo ilaaliyo nabadda iyo weliba doorashada xaakimiinta maxkamadda cadaalada aduunka ee ICJ

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s