Madaxweyne Farmaajo oo beri kulan la qaadanaya madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maalinimada beri oo Isniin ah waxa uu kulan la qaadanayaa madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ka jira.

Xoggo lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Xaldoon.Net, ayaa sheegeysa in madaxda maamul goboleedyada ay dhamaantood aqbaleen casuumadda madaxweynaha ee ah ka qeyb galka kulankan oo arrimo xasaasi ah looga hadli doono.

Waxyaabaha kulanka beri diirada lagu saari doono waxaa qeyb ka ah; xal u helista khilaafka dowladda iyo maamulada qaar, diyaarinta nooc doorasho oo wada ogol lagu yahay iyo sidii maamulada looga tala galin lahaa sharciyada ay baarlamaanka meel mariyaan.

Kulanka oo ku qabsoomi doono aallada Zoomka-ka ayaa waxaa sidoo kale la filayaa iney goob jog ka ahaadaan xubno kamid ah maamulka gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s