Mudane Madaxweyne, Ummaddu Waxay Kaa Sugaysaa Inaad Adigu La Hadasho, Oo Aad Mawqifkaaga Caddayso

Geeska)-Waxa mar keliya habeen hore saqdii dhexe lagu baraarugay war-murtiyeed ay dawladda Djibouti ka soo saartay shirkii dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya oo ay ku jiraan qodobo aanay Somaliland, Soomaaliya iyo Djibouti oo shirka martigelisay midkoodna hore u sheegin in la isku afgartay. Warka ayaa lagu baahiyay bogga madaxtooyada Somaliland.

Qodobada war-murtiyeedkan oo u muuqda inay dhinaca Soomaaliya dan u yihiin ayaa waxa ka mid ah isu socodka Somaliland iyo Soomaaliya, marka laga reebo arrimaha siyaasadda, waxaana dhinacyada la ogolaaday ka mid ah dhaqanka, aqoonyahanada, ciyaaraha iyo ganacsiga.

Qodob kale oo xaasaasi ah ayaa isna ku jira oo ah in laba guddi oo ka kala socda labada dhinac ay isla eegi doonaan sidii si wada jir ah loogu maamuli lahaa hawada Somaliland. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo saxaafadda la hadlay shalay ayaa sheegay inuu qodobada maamulka hawadu yahay khalad madbici ah oo ay dawladda Djibouti sixi doonto.

Waxase wax lala yaabo ah in bogga wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo midka madaxtooyadaba, lagu baahiyay qoraalka ay dawladda Djibouti soo saartay ee uu wasiir Faratoon ku tilmaamay khalad madbici ah.

Shalay barqadii oo uu Wasiirku hadlay, ilaa xalay cawayskii dambe ma jiro wax sixitaan ah oo ay dawladda Djibouti ku soo samaysay khaladka madbici ee uu wasiir Faratoon ku dooday.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s