
Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegtay iney sharci darro tahay warqad maanta ka soo baxday gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi.
Qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaa Aqalka Sare ayuu kaga digay cawaaqibka ka dhalan kara xeerkaan la bedelay, isagoo xusay inuu baalmarsan yahay go’aankii maamul ee Guddiga wadajirka lagu magacaabay 28 bishii Febraayo, xadgudubna ku ah hannaanka xeer dejinta dalka, kuna abuureysa kalsooni daro hey’adaha kale ee dowladda.
Senator Jawaahir ayaa iyadu ku adkeysatay inaan waxba laga bedelin xeerarkii ay Aqalka Sare soo diyaariyeen, waxeyna carabka ku dhufatay inuu wado khaldan ku socday Cabdi Xaashi.
“Waxaan cadeynaya inaan waxbo laga badalin xeerarkii aan soo diyaarinay, warqada maanta ka soo baxday guddoomiye Cabdi Xaashi wa sharci daro” ayey tiri Xildhibaanadan Aqalka Sare ka tirsan.