Waxa xallay shir ugu qabsoomay Magalada Garowe Guddidii Dariiqa Ceeldaahir-Ceerigaabo oo beryahanba ku sugnaa magalada Garowe iyaggo ujeedadoodu ahayd in ay halkaa ku daah furaan Mashruucii Qof iyo Foosto Waxana ka soo qaybgallay Masuuliyiinta u metela Gobolka Sanaag iyo Haylaan dowladda Puntland iyo Dhalinyaro isu xilqaantay hirgellinta Mashruucaas nin iyo Foosto
Waxana laysla gartay in mashruucaas ka u dhawaaqistiisa laga dhigo 15/07 ka bacdi markii M/weynaha Puntland uu soo codsaday in lala sugo ku dhawaaqistaas si loo weeyneeyo arintaas
Waxan laysla gartay in la sameeyo Guddi qabaanqaabo oo daahfurka diyaarisa oo ka kooban Guddida Dariiqa dhalinyarad iyo Masuuliyiinta
in dhalinyaradu laf dhabar u noqoto mashruuca nin iyo Foosto
In beeluhu billaabaan bixinta kkharashkii kagga beegna Dariiqa kuwii hore u bixiyayna billaabaan wajigii labaad