Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyay Sharcigga astaynta kuraasta Golaha Shacabka.

Baarlamaanka soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruuntooda kumeel gaarka ah ee villa Hargeysa ayaa waxa ay ansixiyeen xeerka Deegaameynta kuraasta golaha shacabka.

Xeerkaan oo ah kii ugu dambeeyay ee Afartii xeer oo ay soo gudbiyeen guddiga labada ee Aqalka ee Baarlamaanka u qaabilsanaa xeerka dhamaystirsa sharciga doorashooyinka ayaa la ansixiyay.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku dhawaaqay natiijadda cod bixinta waxaanna xeerkaan waxaa meel mariyay 144 xildhibaan 4 ayaa diiday halka ay ka aamuseen 2 xildhibaan.

Xeerkaan deegaamaynta ayaa baarlamaanku ka doodayeen maalmihii la soo dhaafay isagoo xildhaanadda qaar ay soo jeediyeen kuraastooda loogu wareejiyo meel walba oo kamid ah goobaha beeshoodu dagto

Baarlamaanka Soomaaliya kulankoodii 12aad ee maanta waxaa shir-gudoomiyay Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, waxaana maanta xaadiray 150 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s