Machadka Heritage Oo Ku Taliyey In La Aado Doorasho Dadbab ama Muddo Kordhin

Qoraal maanta ka soo baxay  Machadka Heritage ayaa lagu sheegay  in si xoogan u aaminsan yahay in ay soo xirmayaan albaabadi oo dhan ayna jirto fursad aad u yar oo lagu xallinkaro xiisaddaha ka jira doorashooyinka waqitigeedi aadka u soo dhawaaday, isla markaana ay daruuri tahay in la helo dariiq loo maro xalka dhabta ah ee loo dhan yahay, iyada oo soojeediyey  labo arrin midkood:

Doorashooyin Dadban oo Siyaasad Ahaan Looga Heshiiyey3

Sida aan ku soo sheegnay daraasadeenii Luuliyo 2019 iyo qoraalkeenii koobanaa ee Mey 2020, habka ugu wanaagsan ee lagu heli karo qaab doorasho oo ay isla oggol-yihiin hormuudka saamilayda siyaasasda (DFS, DG iyo axsaabta siyaasadeed ee diiwaangashan) waa wada-hadal iyo is-qancin siyaasadeed oo sal ballaaran, saldhigiisuna yahay, ugu dambeyntiina horseedi kar doorashooyin loo dhan yahay oo dadban. Waa arrin la fahmikaro, in badan oo Soomaalida ah iyo deeq-bixiyayaasha caalamkuba, in ayasan aad ugu qanacsanayn doorasho kale oo dadban, marka la eego taariikhdii madoobeyd ee laga dhaxlay hannaan doorashaadkii 2016/17. Laakiin ku hanweynaanta doorasho qof iyo cod ah ayaa u muuqata mid khiyaali ah; isla markaana waqti kororsi daneed oo ay ku kacaan masuuliyiintu xilka haya ayaa wuxuu noqonayaa ku xadgudub sharciyeed iyo mid siyaasadeed

Dhab ahaantiina, waa lagama maarmaan in la xuso in xaaladda dalka ka jirta ay tahay fashil guud iyo eed la wadaago. DFS, DG-yada iyo mucaaradkaba maysan la’iman masuuliyad hogaamineed.

Hab dhaqankoodii qaldanaa ee qaar ka mid ah joogtada ahaa wuxuu wiiqayey hay’adihii dalka, waxayna carqaladeeyeen dadaalkii dawlad-dhisidda. DG-yada waxay wakiilo ku leeyihiin hay’adaha dowlada ha ahaadaan golaha shacabka, aqalka sare ama golaha wasiirrada, haddana, ma wada aqblaan go’aannada hay’adahaas.

Ugu-horayn, sharciyadda dastuuriga ah ee baarlamaanka federaalka iyo DFS labadaba waxay dhacayaan dhowr bilood gudahood (27 Diseembar 2020 iyo 08 Febraayo 2021 midba). Dastuurka ku meelgaarka ah isna si cad ayuu u tilmaamayaa in muddo kororsi ay ku kacaan dhammaan masuuliyiinta la soo doortay oo ka baxsan waqti xileedkooda afarta sano ah ay xaaraan tahay.

Sidaa daraadeed, baarlamaanka iyo hay’addaha fulinta sharcicga uma saamaxayo inay iskood muddadda u kororsadaan. Tan-labaad, xitaa haddii dhammaan saamileydu aqbalaan soojeedinta kaliya ee GMDQ ee lagu kalsoonaan karo (biometric-ka), Guddigaas oo waajibaadkooda uu ku egyahay bartamaha sanadka soo socda, 13ka bilood kuma filna. Sida aan ku soo sheegnay qoraalkeenana kooban ee bishii Mey ee sanadkan, waqtiga ugu yar ee lagu hirgelinkaro nidaamka (biometric-ka), ayaa ah ugu yaraan 18 bilood ilaa labo sano – taasina waa marki la wada helo agabki loo baahnaa oo dhan ayna diyaar yihiin waxkastoo oo ay kujiraan sharciyada, dhaqaalaha iyo amniga. Soomaaliland waxay bilowday qaadashada hannaanka biometric-ga (2007 nooca faraha) iyo 2014 (nooca casriga ah ee indhaha), saddex sano kaddib ayayna midka indhaha u isticmaashay doorashadii madaxweynaha, arrimaha siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliland way ka deggen yihiin kuwa ku gedaaman DFS. Weliba, marka la eego dhanka musuqmaasuqa, nooca doorsho ee waraaqaha ku salaysan, waxaa laga yaabaa in uusan ka musuqmaasuq yareyn doorashooyinka dadbanaa ee dalka ka dhacay xilliyadii hore. Sidaa daraadeed, wax kasta oo aan ka ahayn qaabka doorashada ee ku saleysan is-afgaradku waxa ay noqon doonaan qardajeexid

Muddo Kordhin Siyaasadeed Ahaan Looga Heshiiyo :

Soo jeedinta labaad waxa ay noqon kartaa heshiis siyaasadeed oo laga gaaro dib-u-dhigista doorashooyinka oo la mid ah Heshiiskii Kampala (Kampala Accord) ee bishii Juun ee 2011 kana dhex dhaca hormuudka saamileyda siyaasadda. Xaaladahaan oo kale, saamileydu (DFS, DG-yada iyo xisbiyada siyaasadeed ee diiwaangashan) waxa ay ku heshiin karaan in dib loo dhigo doorashooyinka dalka ugu yaraan laba sano, si loo dhammaystiro sharciga doorashada, sharciga xisbiyada siyaasadeed iyo arrimaha lafdhabarka u ah xasilinta siyaasadda dalka.

Tani waxa ay dhici kartaa oo keliya haddii saamileyda siyaasaddu ay isku waafaqaan in loo guuro xasilooni siyaasadeed lana wada dhiso Xukuumad Midnimo Qaran (XMQ) taasoo ku salaysan dib-u-heshiisiin qaran oo sal-ballaaran

Xukuumadda Midnimo Qaran waxaa la siin karaa qorshe-hawleed dhameystiran oo diiradda lagu saari karo shan waajibaad-shaqo, oo la qeexay, laguna heshiiyey:

a. Soo celinta xiriirkii wada shaqeyneed ee ka dhexeeyay DFS iyo dhammaan DG-yada;

b. In la dedejiyo dib-u-eegista dastuurka ku-meel-gaarka ah loona diyaariyo afti qaran si aftidaas loogu beego xilliga doorashooyinka dalka;

c. In la aasaaso maxkamadda dastuurka iyo guddiga adeegga garsoorka si loo xoojiyo sarreynta sharciga iyo awoodaha korjoogteynta;

D. Dhammaystirka sharciga doorashada, sharciga axsaabta siyaasadeed iyo u diyaar garowga doorashada qof iyo cod (DQC) ah laba sano gudahood; wax ka beddelka iyo dejinta shuruucda GMDQ iyo weliba dib u habeyntiisa;

e. Dib u soo noolaynta qaab dhismeedka Amniga Qaranka si wax looga qabto khatarta Al Shabaab iyo ISIS.

Labadaas sano gudahood, dowladda midnimada qaran, ee lagudhan yahay, si loo hirgeliyo shuruucda loo baahan yahay waxa ay si dhow ula shaqeyn doontaa labada aqal ee baarlamaanka, dowlad goboleedyada, xisbiyada siyaasadeed ee diiwaangashan iyo bulshada rayidka ah, si ay u hesho taageerada uga badan ee uu u baahan yahay barnaamijkeeda. Beesha caalamkuna waa inay siiso taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale qorshe-hawleedkaas haddii Soomaalidu isku raacdo oo ay ku heshiiyaan: dowlad midnimo qaran iyo waqti-kordhin ku salaysan in loo guntado shaqooyinkii la dayacay, dalkana loo gaarsiiyo doorasho xor ah oo xalaal ah, loogana gudbo caqabadaha siyaasadeed ee dad-sameega ah ee curyaamiyey geeddi-socodkii dimuqraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya.

Gunaanad

Waxaan si aad ah u ognahay in kala-doorashooyinka aan soo bandhignay aysan aheyn kuwo ceeb la’, oo waan fahamsan-nahay in dad badani ay u arki doonaan wax aan loo dulqaadan karin doorasho dadban iyo waqti korarsiba. Meesha arrintu ay hadda taallo waa laga hortagi karay haddii DFS iyo DG-yada ay iska kaashan lahaayeen oo ay howshooda horay u qabsan lahaayeen iyo haddii GMDQ ay uga digi lahaayeen dadka Soomaaliyeed horraantiiba inysan dhici karin doorashada qof iyo cod (DQC) ah sidii loo qorsheeyay. Si kastaba ha ahaatee, iyada oo maskaxda lagu hayo habka tabar iyo taag socodka ah iyo mabaadii’da ah ha uga darin, machadku waxa uu had iyo jeer u ololeeynayey habka go’aan qaadashada ku saleysan wadarogolka Soomaalida dhexdeeda ah, maaddaama ay si weyn u yareyn karto dhiillooyinka iyo colaadaha. Taasina waxaan u samaynaa annaga oo faham dheer u leh duruufaha dhaqan-siyaasadeed ee dalka, oo ay ragaadisey is aaminaad la’aan aad u qoto dheer iyo dib-u-heshiisiin aanan caga badan ku taagneyn oo ka dhex jirta dadka. Mar kale, waxaan fursaddan uga faa’iideysaneynaa in aan ku boorinno hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaalida in aysan lumin fursaddan arrimaha doorashooyinka wada hadal xalka looga gaari karo. Shirka loo balansanyahay ee la filayo in uu dhax maro madaxweyne Farmaajo iyo hoggaamiyaasha dowlad goboleedayada waa fursad dahabi ah oo lagu gaari karo is-afgarad ku saabsan qodobada la isku khilaafsan yahay. Sanadihii la soo dhaafay waxa ay caan ku ahaayeen is-aaminaad darro qoto dheer oo dhex taalay DFS iyo DG-yada, madaxweyne Farmaajo-na wuxuu doortay inuu DG-yada ula dhaqmo si adag oo xagjirnimo siyaasdeed ah. Hab-dhaqankaas wax natiijo fiican ah uma soo kordhin dalka ama madaxweynaha qudhiisa. Hadda waxaa la joogaa waqtigii saamileyda siyaasadeed ee dalku ay caqligooda isugu geyn lahaayeen sidii loo heli lahaa xal siyaasadeed oo looga gudbo xiisadda doorashada kaabiga inagu soo haysa. Sidoo kale, beesha caalamku waa in ay qayb muhiim ah ka noqdaan xalka, maaddaama dadka Soomaaliyeed ay si dhow isha ugu hayaan ficiladooda iyo sida ay u abbaaraaan arrinkan.

Goobjoog News

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s