
Hargeysa-KNN-Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Hawada magaalada Hargeysa ka celisay diyaarad siday qaadka Miirowga Kenya, taas oo doonaysay inay ka degto garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International.
Diyaaradda oo u rarneyd ganacsato reer Somaliland ah ayaa dib ugu laabatay gudaha Kenya, waxana ka degtay Garoonka diyaaradaha magaalada Wajeer, oo sida la shegay markii horaba ay ka soo kacday.
Diyaaradan qaadka ka soo qaaday dalka Kenya ee maanta laga celiyay hawada Hargeysa ayaa ku soo beegmaya, xilli uu yaraaday qaadkii Somaliland kasoo geli jiray dhanka dalka Itoobiya, sababo la xiriira khalalaasaha ka socda gudaha dalka Itoobiya.
Wasiirka gadiidka iyo duulista hawada Soomaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa Radio Kulmiye u xaqiijiyey jiritaanka warkaan, waxaana uu shegay in wasaaradiisa ay airintaan go’aan ka soo saari doonto dhawaan.