Xildhibaan Hirshabeele ka tirsana oo Ay Alshabaab Dilsen markii Ay !!!

War goordhow soo gaaray Warbaahinta Xaldoon.Net, ayaa sheegaya in Kooxda Shabaab ay goordhow deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabellaha dhexe ku dileen Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hirshabelle.

Xildhibaanka oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho, ayaa lagala dagay gaari NOAH-ah oo uu BL-ahaan uga soo raacay Jowhar, iyadoo lagu qabtay meel kamid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad.

War ka soo baxay Shabaab waxey ku faaneen dilka Xildhibaanka, iyagoo sheegay in koox ka tirsan Shabaab ay gacanta ku dhigeen Xildhibaanka, sidaasna ay ku toogteen.

Shabaab hore waxa ay u dileen Xildhibaano ka tirsan Hirshabelle, iyadoo maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Waare uu ku fashilmay sugida amniga wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s