Madaxda maamul goboleedyada oo wadajir u soo saaray War-saxaafadeed.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa goordhow War-Murtiyeed ka soo saaray shir dhinaca tilifoonka ahaa oo xalay ay yeesheen.

Shirka oo ay ka qeyb galeen madaxweynayaasha maamulada Hirshabelle, Koofur Galbeed, Galmudug, Jubaland iyo Puntland, ayaa diirada lagu saaray sidii loo dar dar galin lahaa qabsoomida kulan looga hadlo xaalada guud ee dalka.

Madaxweynayaasha waxa ay isla qaateen in 9-ka bishan oo ku beegan maalinimada Khamiista ah ay Dhuusa-Mareeb ku yeeshaan shirka, kaasoo ay ku faaqidi doonaan wixii loola tagi lahaa shir weynaha dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Shirka dowladda iyo maamul goboleedyada oo madaxweyne Farmaajo hore u iclaamiyay inuu qabsoomayo 5-ta bisha oo shalay ku beegneyd ayaa baaqday, iyadoo Villa Somaliya ku fashilantay isu keenida madaxda goboladada.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s