Madasha Xisbiyada Qaran oo war ka soo saartay shirkii baaqday iyo kan ka dhacaya Dhuusamareeb

 0Share

Muqdisho-KNN-War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu soo dhaweeyay shirka 9-ka bishan lagu wado in uu Dhuusamareeb uga furmo madaxda dowlad goboleedyada dalka.

“Madashu waxay soo dhaweyneysaa kulanka lagu madlanyahay in 9-ka bishan ay isugu yimaadaan madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Madsha Xisbiyada Qaran ayaa qoraalkan ku sheegtay inay ka xuntahay baaqashada kulankii madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku balansanaayeen Muqdisho, 5-tii illaa 8-da bishan, waxayna tilmaameen in taasi cadeyn xoog leh u tahay ‘Fadhilka hoggaanka sare ee dalka’.

“Ka maqnaanshaha hoggaanka dalka ee shirka ka dhacaya Dhuusamareeb, waxay muujineysaa ififaalo aan wanaagsaneyn, Madashu waxay kula dardaarmeysaa madaxda dowladda federaalka, inay u istaagaan gudashada jaajibaadka ka saaran howlaha dastuuriga ah ee suurta gelin kara doorashooyin xor iyo xalaal ah oo si nabad ah ku dhaca” ayaa lagu yiri qoralkan.

Ugu dambeybtii Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegtay inay dhiira gelineyso dadaallo walba oo keeni kara isu-soo dhawaansho iyo garowshiyo maangal ah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s