
Waxaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Dhuusa-Mareeb ka furmo shir u dhexeeya madaxda maamul goboleedyada, kaasoo baaqday shalay sababo la xiriira madaxda qaar oo xili danbe timid.
Madaxweynayaasha maamulada Jubaland, Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa xalay shir gaara yeeshay, iyagoo ugu gogol xaarayay shirkooda maanta, waxaana kulankii xalay lagu diyaariyay qodobada diirada la saarayo.
Amniga guud ee magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana howlgalo wada ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom, iyadoo saaka ay xiran yihiin wadooyinka qaar ee caasimadda Galmudug.
Shirka oo la filayo in la soo xiro gelinka danbe ee maanta ayaa sidoo kale laga soo saari doonaa war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobada ay isla qaataan madaxda, waxaana shirka intiisa badan diirada lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka j