Maamulka Puntland ayaa xabsiga u taxaabay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska kuwaasoo loo haysto

Maamulka Puntland ayaa xabsiga u taxaabay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska kuwaasoo loo haysto inay ku lug lahaayeen gadood ay sameeyeen ciidamo

Saraakiisha la xirey ayaa waxaa ay kala yihiin Taliye ku xigeenkii Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale Faarax (Suleembe) iyo Taliyihii Saldhiga Bartamaha Caasimadda Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile Xuseen (Fardafuul).

Qaar ka mid ah ciidamada Booliiska Gobolka Nugaal oo ay ka mid ahaayeen labadaasi Sarkaal ayaa la sheegay in ay gadood kooban sameeyeen inkastoo markii dambe la xalliyay.

Illaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku saabsan xariga labadan sarkaal.

Maamulka Somaliland ayaa waxaa caadi ka noqday gadood ay ku kacaan ciidamada ammaanka iyagoo badanaaba ka cabanaya mushaar la’aan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s