Guddoonka Aqalka Sare oo war ka soo saaray war-murtiyeedkii shirka Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa soo dhoweeyey, war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka wadatashiga madaxda dowlad goboleedyada ee ka socda magaalada Dhusamareeb.

War-saxaafadeed  kasoo xaafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in uu soo dhowaynayo go’aannadii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb, isaga oo tilmaamay in guul hordhac ah uu u noqon karo heshiis wadajir ah oo ay gaaraan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah.

Qoraalka guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay maamulka iyo shacabka reer Galmudug, kaalinta ay ka qaateen qabsoomidda shirka iyo sida ay ugu qanciyeen kasoo qeyb galkiisa madaxda dowlad goboleedyada kale.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraalkan ku sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo in qodobada ka soo baxay shirka madaxda dowlad goboleedyada uu horseed u noqdo, heshiis wadajir ah oo dalka lagu badbaadiyo. Kaasi oo keena nabad, xasilooni iyo horumar.

Halkan kilik sii si aad u akhriso war-murtiyeedka

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s