qarax is-miidaamin ah oo goor dhaweyd lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu lasocday Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax is-miidaamin ah oo goor dhaweyd lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu lasocday Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Qaraxaas ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaaba qarxa, waxaana ka badbaaday Taliyaha ciidamada xoogga oo la aaminsanyahay in bartilmaameedkiisu uu isaga ahaa.

Qaraxan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo isbitaalka Xoogga, oo u dhaw warshadii hore ee Caanaha.

Khasaare u badan dhaawacyo ayaa soo gaaray askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka mid ahaa ilaalada Taliyaha militeriga Odawaa.

Inta la xaqiijiyey hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka shan askari oo ka tirsanaa ilaalada Taliyaha ay soo gaareen dhaawacyo fudud, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s