
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda dhuusamareeb ee xarunta dawlad goboleedka Galmudug.
Ra’iisul wasaare kheyre ayaa halkaasi waxaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha dawlad goboleedka galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dawlad goboleed ka kooban.
Waxaa la filayaa in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre uu ka qeyb gali doono wejiga labaad ee Shirka Madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada uga furmi doono Magaalada Dhuusamareeb.

