Madaxda D/goboleedyada oo u amba-baxay Garowe si ay Aas uga qaybgalaan

Madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa goor dhaw u amba baxay magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Madaxdan ayaa ka amba-baxday magaalada Dhuusamreeb oo maalmihii u dambeeyey ay ku sugnaayeen, waxayna Garowe uga qeyb gelayaan aas Qaran oo loo sameynayo Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir iyo madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi.

Wafdigan waxaa ka sii horeeyey wafdi kale oo uu hoggaaminayey madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo gelinkii dambe ka baxay Dhuusamareeb, isla markaana gaaray Garowe.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo haatan ku sugan Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in Khamiista berrito uu gaaro Garowe, si uu uga qeyb galo aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s