Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni 3 todobaad kahor loo sheegay warka sheegaya in ay guddoonka baarlamanka xaraashayo

Baarlamaanka Puntland oo go'aan kasoo saarey Doorashada 2019

Warsidaha PuntlandTimes ayaa ogaaday in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni 3 todobaad kahor loo sheegay warka sheegaya in ay guddoonka baarlamanka, qaar kamid ah saaxiibadiisa gaarka ah iyo Ganacsato ay doonayaan in ay ku heshiiyaan Iibinta xarunta ay hadda ku shaqeeyan xubnaha golaha Wakiilada ee Puntland.

Warsidaha ayaa ogaday in wargalintaas Madaxweyne Deni uu helay ay ka timi labo dhinac oo kala ah saaxiibada gaarka ah ee Madaxweynaha oo ah kooxda loo yaqaano AARAN-JAAN iyo dhinaca mudanayaal katirsan baarlamaanka oo howshan qeybta ugu weyn ka lahaa

Madaxweynaha ayaa u sheegay xubnaha la wadaagay in ay wanagsan tahay in dib loo dhigo, qorshahan kahorna la diyaariyo xarunta goluhu ay ku shaqeyn lahaayeen, sidaas oo kalena laga durko wax kasta oo xasaasiyad abuuri kara

Sidaas oo kale Madaxweynaha ayaa wararku sheegayaan in uu u cadeeyey xubnahan in la maro nidaamka sharciga ah oo kahor arrinta inta aan la horgeynin Golaha baarlamaank, ay tahay in la horkeeno golaha Xukuumadda sharciyadana la mariyo, ka dibna sidaas loogu gudbiyo golaha.

Madaxweynaha Puntland, markii todobaadkan lagu wargaliyey in la ansixiyey Iibinta ama Xaraashka xaruntan ayaa la xaqiijiyey in uu telfoon kula hadlay guddoonka golaha Wakiilada, uuna u sheegay in arrintas laga baaqsado waqtigan, maadama aysan jirin wax u diyaarsan barlamaanka oo xarun ah, taasna haddii ay dhacdo ay dhici doonto khaladaad soo baxa, sidaas oo kalena loo baahan yahay marinta hanaanka sharciga ah ee xaruntan.

Arrinta doodaha sii kicisay ayaa noqotay Duqa magaalada Garoowe Axmed Barre ayaa ka hor yimi qaraarka baarlamaanka, sidaas oo kale Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo kamid ah xubnaha mudada dheer ku jiray baarlamaanka & Odayaasha dhaqanka qaarkood ayaa sheegay in aysan sharciyad aheyn dhammaan hananka loo maray xarunta Iibkeeda.

Macluumaadka la gaarsiiyey Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ee kala dhimanaa 2 todobad kahor iyo diidmada kasoo yeertay maamulka Degmada Garoowe, ayaa wararku sheegayan in ay ahaayeen kuwa muujinaya walaaca daah-furnan la’aanta laga qabo mashruuc Iibinta xaruntan oo ah mid ku taala goob muhiim ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s