Maxa ka soo baxay Kullankii Cawa M/weyne Farmaajo iyo Boqol MP

Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la yeeshay caawa guddi kasocday baarlamaanka Faderaalka, kuwaas oo galabtay qabsaday balan ay Madaxweynaha kula kulmaan, si ay ugala hadlaan arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Kulanka oo qaatay 2 saacadood iyo dheeraad ayaa labada dhinac uga wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, Shirka Dhuusa-Mareeb iyo sharciyadda ay dhinacyadaas ku leeyihiin arrimaha doorashooyinka ee dalka

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya aragtidooda ku wajahan arrimaha shirka Dhuusa-Marreeb iyo doorashada, waxayna sheegeen in aysan Dawlad gobaleedyadu waxba sharciyad ah u laheyn meelmarinta ama ka hadlida arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Waxay sheegeen in la ansixiyey sharciga doorashooyinka, lana dhameystira dhammaan xeerarka muhiimka ahaa ee qabyo tiri lahaa, iyagoo sidaas oo kale sheegay in isla qodobada doorashada qof iyo cod hadii la gaari waayo jihada la qaadayo uu dhigayo sharciga Doorashooyinka ee la ansixiyey.

Mudanayaashan, waxay sheegeen in aysan sharciyad noqon doonin wax kasta oo kasoo horjeeda sharciyada dalka oo kasoo baxa madasha Dhuusa-Marreeb, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in lagu dhaqmo sharciyada ay Ansixiyaan baarlamaanka oo wakiilka ah dhammaan gobalada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay baarlamaanka, sida ay xaqiijinayaan ka qeybgalayaashii kulankan in uu tagayo magaalada Dhuusa-Marreeb uuna kulan la yeelan doono dhammaan madaxda dawlad gobaleedyada ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu dhageysan doono dhammaan madaxda dawlad gobaleedyada dalka oo ay ka wada hadlayaan arrimaha ay hayaan ee kuwajahan doorashooyinka dalka, ka dibna uu ula soo laaban doono golaha baarlamaanka, kaligiisna uusan qaadan doonin go`aanka arrimahan.

Xildhibaan ka qeybgalay kulanka aya u sheegay warsidaha Puntlandtimes “Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in uu Ixtiraamyo Dastuurka iyo Xeerarka dalka uu tagayo Dhuusa-Marreeb, uuna dib ula kulmi doono mudanayaasha baarlamaanka, marka uu soo dhageysto doodaha Dhuusamareeb”

Dood dheer ka dib sida ay xoguhu sheegayaan kulanka ayaa kusoo dhamaaday in Xildhibaanadu ku kalsoonadan Madaxweynaha oo tagaya Dhuusa-Marreeb, maalmaha nagu soo wajahan ayna sugaan natiijooyinka kasoo baxaya wada hadalada dhinacyada siyaasaddu ay yeelan doonaan.

Todobaadkan nagu soo wajahan, Madaxda dawladda Faderaalka & Dawlad gobaleedyada ayaa kulan uga furmayaa magaalada Dhuusa-Marreeb, waxaana dawlad gobaleedyadu ay xooga saarayaan doorasho dad-ban in ay dhacdo, laakiin tasi baarlamaanka Faderaalka ayaa maanta diiday

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s