Muxuu yahay Sharciga la waafajinayo doorashada Somaliland ee soo socota?

Madaxda xisbiyada Somaliland iyo madweyne Muuse Biixi

Xisbiyada iyo xukuumadda jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa heshiis ka gaadhay sida loo qabanayo doorashada baarlamanka oo ay muddo isku khilaafsanaayeen.

Muddo laba sannadood ku dhow oo khilaafkaasi taagnaa ayaa waxa socday dedaallo la doonayey in lagu furdaamiyo oo mararka qaarkood ay xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumadda dhexdhedaadinayeen dalalka ka taageera Somaliland dhanka doorashooyinka.

Murankan siyaasadeed ee taagnaa ayaa u kala baxayey laba qaybood oo kala ah habka dhismaha guddida doorashooyinka iyo xaddidaadda degaan doorashooyinka iyo saami qaybsiga kuraasta baarlamanka ee gobollada Somaliland.

Heshiiskan cusub ee ay kala saxiixdeen xisbul xaakimka Kulmiye iyo kuwa mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID ayaa arimaha la isla qaatay waxa ka mid ah in maadaama oo aanu diyaar ahayn xeerkii cusbaa ee doorashooyinka iyo xadaynta deegaan doorashooyinka iyo saami qaybsigu lagu galo doorashadan habkii lagu qabtay doorashadii baarlamanka ee 2005.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo BBC-da uga warramay heshiiskaa ay gaadheen, arrintana faahfaahinaya ayaa yidhi: “Caqabadaha hortaagan doorashooyinka waxa ka mid ahaa imika diyaar maaha xeer cusub oo doorashada lagu galaa, markaa waxa la isla qaatay in xeerkii hore lagu galo doorashooyinka.”

Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu sharraxay sida laga yeelayo tabashooyinka ka jira saami qaybsiga kuraasta baarlamanka oo iyadna ahayd arrin muddo ismaan dhaafkeeda ku saabsan sida ugu haboon ee lagu xallin karaa taagnayd, waxaanu sheegay in lagu heshiiyey in doorashadan ka dib arintaa la xalliyo.

“Si gobol waliba ama degmo waliba caddaalad u helaan waxaannu soo jeedinay in doorashan hadda la galo, oo sidii hore lagu galo si degdeg ahna loo sameeyo tirokoob dadweyne, doorashooyinka dambena lagu saleeyo tirokoob kaa la sameeyey, degmo kastaa intay heshona waxa lagu salayn doonaa tirokoobka dadka ee la sameyn doono. Tirokoobkaa xukuumaddaannu ku adkaynay doorashadani markay dhamaato in la billaabo.” Ayuu yidhi

Sharraxaad: Garyaqaan Mustafe Maxamed H.Daahir, oo ah Lataliyaha Sharciga ee Golaha Wakiilada JSL.

Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee hada kuraasta fadhiya waxaa lagu soo doortay doorasho codbixin toos ah (cod shacab).

Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada [Xeer Lr. 20-2/2005] ayaa loo raacay doorashadaas oo qabsoontay 29, Septembar, 2005. Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa dhaqangalka xeerkan saxeexay 11, April, 2005.

Xeerkan Doorashada Golaha Wakiillada ayaa ka hor inta aan la saxeexin muran badan ka dhex dhaliyay Golahii Wakiillada ee hore iyo Xukuumadii wakhtigaas talada haysay ee uu Madaxweynaha ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin, wuxuuna madaxweynuhu Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbiyay qoraal uu ku dalbanayay inay laasho qodobo ku xusnaa xeerka Doorashada Golaha Wakiilada [Xeer Lr. 20-2/2005] ee ay labada gole ansixiyeen, kaas oo ay u arkaysay xukuumadaasi inay carqalad ku yihiin qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada.

Haddaba, Maxkamadda Dastuuriga ah waxay soo saartay qaraar ku taariikhaysan 26/02/05, kaas oo ay ku laashay qodobada 10aad, 13aad, 38aad iyo 44aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada.

Qodobadaas ay laashay Maxkamaddu ayaa shardi ka dhigayay in qaybinta saamiga kuraasta ee Golaha Wakiilada lagu saleeyo TIROKOOB dalka oo dhan laga hirgaliyo.

Waxa kale oo qaraarkaas Maxkamadda lagu xusay in Xeer Lr. 20-2/2005, marka laga reebo Qodobbada la laalay, si toos ah loogu dhaqmayo marka uu saxeexo Madaxweynaha Somaliland.

Qaraarkaas maxkamadda ayaa wax-ka-bedel ku sameeyay Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada Xeer Lr. 20-2/2005, sida ku cad Qodobka 12aad oo ka hadlaya saamiga kuraasta golaha wakiillada isagoo u dhigan sidan:

Iyadoo mudnaanta la siinayo danta qaranka ugu jirta taabbagalinta doorashada awgeed, saamiga kuraasta gobolladu ku yeelanayaan Golaha Wakiilada waxa doorashadan oo KALIYA loo qaybiyey sidan:

1. Gobolka Hargeisa…………………… 20 kursi.

2. Gobolka Togdheer………………….. 15 kursi.

3. Gobolka Awdal……………………… 13 kursi.

4. Gobolka Sanaag……………………. 12 kursi.

5. Gobolka Sool…………………………. 12 kursi.

6. Gobolka Saaxil………………………. 10 kursi.

Madaxda saddexda xisbi ee Ucid, Kulmiye iyo Waddani
Qoraalka sawirka,Dhammaan xisbiyada waxay isku waafaqeen hannaanka ay u dhaceyso doorashada

Hannaankan ayaa 2005-tii lagu soo doortay Golaha Wakiilada ee hadda kuraasta fadhiya, iyadoo muddo xileedkoodu ahaa 5 sanno sida ku cad Qodobka 42aad ee Dastuurka Somaliland.

Haddaba, Su’aasha iswaydiinta leh ayaa ah maxaa keenay in Doorashada Golaha Wakiilada ay xilligeedii ku qabsoomi waydo?

Habka loo qaybsanayo Saamiga Tirada Kuraasta Golaha Wakiilada ayaa ahayd caqabadda ugu wayn ee Doorashada Golaha Wakiilada u xanibnayd muddadaas, maadaama dalka aanu ka dhicin tirokoob rasmiya si looga baxo caqabaddaas, qaabkii doorashadii hore lagu galayna ay ahayd ku meelgaadh loogu talagalay doorahadii 2005tii oo kaliya ah.

Arrintani waxay keentay in muddadii labada sano ee ay bilawga ahayd xukuumada hadda xilka haysa ee Madaxweyne Muuse Biixi ay Axsaabta Siyaasadda aad ugu kala aragti duwanaadeen Hannaanka Qabsoomida Doorashada iyo xalka lagaga bixi karo caqabaddaas, taasina ay keentay in Doorashadu xilligii loo qorsheeyay dib uga dhacdo.

Inkastoo ay Xukuumaddu usoo gudbisay Golaha Wakiillada Mashruuca Sharciga Xeerka Doorashooyinka Somaliland, oo aan horumar badan laga samayn sannadihii u dambeeyay ee 2018/19, Sababaha uu Mashruuc sharcigaasi u dhaqaaqi waayayna waxaa ka mida in aan laga heshiin qodobka Saami Qaybsiga kuraasta Golaha Wakiilada, oo ay Gobollada Awdal iyo Sool cabasho badan ka muujiyeen soo jeedinta Mashruuc sharcigan ee ah in lagu Galo Doorashada soo socota Saamigii hore ee lagu galay Doorashadii Golaha Wakiilada ee 2005tii.

Waxaa intaa soo raaca in 12 July 2020 ay Axsaabta Siyaasada ee Kulmiye, Ucid iyo Wadani soo saareen Heshiis ay ugu yeedheen Heshiiska Xisbiyada Qaranka ee Qabashada Doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee Sanadkan.

Nuxurka heshiiskan ay gaadheen axsaabta siyaasadu waxaa tilmaamaya Qodobka 5aad oo u qoran sidan:

1. In Saddexda Xisbi qaran ay isku waafaqeen in kuraasta Gobollada ee Golaha Wakiilada doorashada soo socota ay noqdaan sidii lagu galay doorashadii Golaha Wakiillada ee 2005-tii.

2. Sadexda xisbi qaran, waxa ay isku waafaqeen kuna adkeynayaan xukuumadda in doorashada Golaha Wakiilada ka dib Tirokoob guud oo Qaran dalka laga sameeyo (Nation Census) sida ugu dhakhsaha badan.

Waxaa muuqata hadda in ay axsaabta siyaasada iyo xukuumaddu mawqif isku mida ka taagan yihiin arrintan saami qaybsiga kuraasta wakiillada ee muddada soo jiitamaysay inkastoo ay hadhsan tahay iswaafajinta mawaaqifta siyaasiga ah iyo qodobbada Sharciga ee khuseeya arrintan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s