Booliska Gaalkacyo oo qabtay nin loo haysto inuu ku diley shan ruux duleedka Muqdisho

Ciidamada booliska magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta ku qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo nin la aaminsan yahay inuu ka dambeeyay dil wadareed dhowaan ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

Ninkan oo lagu magacaabo Aweys Cismaan Cabdi ayaa loo haystaa dilka shan ruux oo toddobaadkii la soo dhaafay lagu diley deegaanka KM13.

Taliyaha qeybta booliiska gobalka mudug Gaashaanle dhexe Qaasim Shirdoon Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay la socdeen dhaqdhaqaaqa ninkan oo xalay soo gaaray magaalada Gaalkacyo.

Gaashaanle Dhexe Qaasim Shirdoon ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Gudoomiyaha gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye ayaa ku ammaanay ciidanka booliiska gobalka Mudug ay u hayaan bulshada isagoo ugu baaqay shacabku inay la Shaqeeyaan laamaha amniga si loo helo amni laysku haleyn karo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s