Madaxweynaha Jubbaland oo Ka Hadlay Kulan uu La Qaaday Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka warbixiyey kulan maanta uu magalada Dhuusamareeb kula qaatay madaxweynaha dowladda federaalka maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta madaxtooyada Jubbland  ayaa lagu sheegay in kulanka uu la qaatay madaxweynaha uu ahaa kulan u gogol xaar ah, wadahadallo ay dowladda federaalka la galayso Jubbaland

“Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa aqalka Madaxtooyada Galmudug kula kulmey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankan ayaa ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s