Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo kulan u socda

Waxaa xilligan kulan albaabada u xiran Madaxtooyada Galmudug uga socdaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe

Kulankan oo ah kii u horreeyay oo fool ka fool ah oo ay yeeshaan Farmaajo iyo Axmed Madoobe, tan iyo markii la isku khilaafay doorashadii Jubbaland ee Axmed dib loogu doortay iyo tallaabooyinkii ay dowladda Federaalka qaaday ee ka dhanka ahaa Axmed Madoobe.

Kulankan ayaa ka socda Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb oo uu degan yahay Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu ka dambeeyay dadaalo tan iyo xalay la waday oo ahaa sidii la isugu keeni lahaa.

Dadaalada u kala dab-qaadida iyo isu keenida Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa waday Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Waare oo mar dambe ku soo biiray dadaaladan.

Caqabadaha ku horgudban furitaanka shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa ka mid ahaa khilaafka siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana haddii la dhameeyo khilaafkaas waxaa uu noqonayaa tallaabadii koowaad ee loo qaaday sidii uu jawi wanaagsan ugu furmi lahaa shirka.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena damb

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s