Aqalka Madaxtooyada magaalada Dhuusa-Mareeb ayey kulankii ugu horeeyey oo wadajir ah ku leeyihiin hadda madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya & Dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah, waxaana looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka ee dalka iyo qodobada ay isku hayaan dhinacyadu.
In la furo kulanka tooska ah oo ay dhinacyada hadalada ka jeediyaan ayay suuragal tahay in laga maarmo, ka dibna wada hadalo ay sidan ku bilowdeen oo ay dhinacyadu wadajir uga wada hadlayaan qodobada ay kala aaminsan yihiin.

Waxa ka soo baxay shirarkii xalay wali xogaha rasmiga ah, waxay sheegayan in ay markale caawa dhici doonan kulamo siyasadeed si gaar ah u dhexmari doona Madaxda Puntland, Jubbaland & Madaxweyne Farmaajo.
Kulankan, guud qodobada laga filan karro waa in ay dhinacyadu jiho doorasho isku raacan, haddii aysan tasi dhicin waxay ka dhignan doonta in lagu kala tagayo oo loo balamayo kulan kan xiga oo ka dhaca Baydhabo ama Garoowe.
Laakiin, ugu yaraan waxa lafilaya in uu dhasho isku soo dhawansho la xariira xagga Jubbaland, Puntland & madaxweyne Farmaajo, dad badana ayaana rumeysan in haddii taasi dhacdo horumar wanagsan laga gaarayo nooca doorashada.