Ciidanka Somaliland ee Yube oo hakiyey Gargaar ay Xukuumada SL u dirtay Badhan oo uu waday Masuul Puntland katirsan.

Gaadiid sida gargaar loogu talogalay dadka magaalada Badhan ee gobalka Sanaag, ayna soo dirtay Xukuumadda Somaliland ayaa kusoo wajahan magaaladas, waxaana maanta uu kasoo gudbay deegaanka Yube ee ay kusugan yihiin ciidamada Somaliland.

Gargaarkan ayay hakiyeen ciidamada Somaliland aroornimadii hore ee saaka, waxayna ka shakiyeen halka loo wado iyadoo uu waday oo uu wakiil ka ahaa mid kamid ah madaxda siyaasadda ee hadda ka dhismaya Putland, gaar ahaana Sinaan iyo Cadaaladda, ahna xildhiban katirsan golaha deegaanka Puntland ee degmada Badhan, sidaas oo kalena katirsan guddiga gurmadka Somaliland.6

Gudoomiyaha Somaliland u qaabilsan magaalada Badhan ayaa ka dambeeyey in lahakiyo gaadiidkan, ka dib markii uu sheegay in masuulka lagu soo hagaajiyey uu katirsan yahay Puntland, oo isaga oo magaladaas ugu magacownaa Somaliland aan lasoo marsiinin

Ciidamada Somaliland ayaa amar ka helay dhinaca Xukuumadda Somaliland, taas oo lagu amray in ay sii daayaan gaadiidkan oo lafilayo in qeybintooda laga bilaabo magaalada Badhan ee ay ku xoogan tahay Puntland.

Sheekh Maxamuud oo wakiil ka ah Somaliland aya gargaarkan ka yimi Hargeysa ka qeybin doona magaalada Badhan, isagoo dhinaca kalena katirsan golaha deeganka ee Puntland & Urur siyaasadeedyada hadda dhismaya mid kamid ah.

Kama hadlin arrimaha maamulka gobalka Sanaag ee Puntland, waxaana horey u dhacday in todobaadyo kahor magaalada uu kahirgalay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland, sidaas oo kale ay dhammaan ka shaqeyaan isku duwayasha maamulka Hargeysa

Xigasho Puntland Times

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s