Somaliand iyo Itoobiya oo ka Wadahadlay Cilaaqaadka Labada Dal

Hargeysa (SOLNA)- Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya, Md. Axmed Shide, ayaa booqasho ku yimid Magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland Arbacadii, waxaanay ka wadahadleen Somaliland cilaaqaadka labada dal.

Sida uu daabacay Warsidaha East Africa Business Week, ee ka soo baxa Uganda, oo warkan ay ka soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, kaasi oo ku warramay in JSL ay u soo jeedisay Itoobiya iyo Masar inay dhexdhexaadiso khilaafkooda la xidhiidha biyaha Webiga Niilka.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa tilmaamay in Somaliland iyo Itoobiya ka wadahadleen masaalixda labada dal.

Warsidaha East Africa Business Week, waxa uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ay yihiin xulafo aad iskugu dhow oo ku yaalla Geeska Afrika, gaar ahaan, waxaa labada dal ay shuraako ku yihiin casriyeynta marsadda Berbera oo Itoobiya ku leedahay Saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban.

Waxa kaloo, Somaliland iyo Itoobiya ka wada shaqeeyaan jidka dhererkiisu yahay 250Km oo isku xidhaya Berbera iyo magaalo xudduudka Wajaale, kaasi oo ay gacanta ku hayso dhismihiisa Hay’adda Abu Dhabi Fund ee dalka Imaaraadka Carabta.

Somaliland waxa kaloo ay xidhiidh la yeelatay dhawaan dalka Taiwan, waxaana iskaashigaasi ka xumaaday Shiinaha.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s