Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho ka bilaabay dhaq dhaqaaq ku aadan xilka R/Wasaaraha

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Muqdisho ka wada dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku wajahan xilka Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo uu dadaal ugu jiro sidii xilkaas loogu magacaabi lahaa shaqsi ka soo jeeda Beelaha Galmudug

Tan iyo markii Sabtidii la soo dhaafay Baarlamaanka codka kalsoonida kala laabtay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa bilowday xusul duub loogu jiray xilka Ra’iisul Wasaaraha oo ah mid awood qeybsi ahaan ay beesha Hawiye u heleyso.

Madaxweynaha Galmudug ayaa si degdeg ah u yimid Muqdisho, maalin kaddib xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana uu bilaabay kulamo uu la qaadanayo Madaxda dowladda, sida Madaxweyne Farmaajo oo habeen ka hor ku kulmeen xarunta Madaxtooyada.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayaa xalay ku kulmay Xarunta Nabadsugida Qaranka oo muddooyinkii u dambeeyay loo arkayay inay tahay halka laga jiheeyo Siyaasadda dalka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo la xiriira xaalada siyaasadeed ee dalka sida arrimaha soo magacaabida Ra’iisul Wasaaraha oo loo arko in Fahad Yaasiin uu kaalin ku leeyahay, marka loo eego saameyntiisa dhinaca Madaxweynaha.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay Madaxtooyada kula kulmay Siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda Beesha H/Gidir, waxaana xubnaha la kulmay Madaxweynaha kala hadleen sidii xilka Ra’iisul Wasaare loogu magacaabi lahaa beeshooda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s