Sii-hayaha Ra’iisul wasaraha ahna Raiisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xilka ka qaaday xoghayihii joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Cabdirasaaq Xuseen Aadan, toddobaad un kadib markii uu xilka u magacaabay.
Cabdirasaaq Xuseen Aadan ayaa waxaa lagu bedelay Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim oo horey u ahaa ku-xigeenka xoghayaha joogtada, isla markaana ahaan jirey Agaasimihii TV-ga DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED ay ku leedahay magaalada Muqdisho.
Qoraal kooban oo uu soo dhigay boggiisa twitter-ka ayuu Mahdi Guuleed ku yiri “Waxaan Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim u magacaabay in si KMG ah uu u haayo xilkaxoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/wasaaraha. Waxuu bedelayaa Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si KMG ah horay ugu hayay xilkaan.”