
Sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha dalka Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa goordhow xilkii ka qaaday xoghayihii joogtada ee xafiiska ra’iisul wsaaraha, iyadoo taa bedelkeedna uu booskaasi shaqsi kale u soo magacaabay.
Qoraal uu soo saaray Mahdi Guuleed, ayuu ku sheegay in Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim uu u magacaabay in si KMG ah uu u haayo xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R’iisul wasaaraha.
Waxaa booskan laga eryay Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si KMG ah horay ugu hayay xilkaan, iyadoo aan la sheegin sababta rasmiga ah ee arintan ka danbeysa.
“Waxaan Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim u magacaabay in si KMG ah uu u haayo xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R’iisul wasaaraha. Waxuu bedelayaa Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si KMG ah horay ugu hayay xilkaan” ayuu yiri sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha dalka..