Ciidamo Cusub oo Caawa la Wareegay Amaanka Xabsiga dhaxe ee Xamar

Waxaaa lasoo afjaray Dagaalkii Labada saac ka socday Xabsiga dhaxe ee Xamar Kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Inta la Xaqiijiyay waxaa gudaha Xabsiga lagu dilay Afar ka mid ahaa Maxaabiista oo ahaa Al-Shabaab ka dagaalamayay Xabsiga.

Sidoo kale Waxaa dhaawac ahaan isku dhiibay laba ka mida raggii Dagalamayay, sidoo kale Waxaa Xabsiga ka baxsaday ilaa hal ruux.

Dhanka kale Saraakiisha dhanka dowladda Soomaaliya ee lagu dilay Dagaalkaasi ayaa waxaa lagu kala sheegay Magacyadooda.

1- Kabtan Cabdulqaadir Maskiinow
2- Labo xidigle Maxamed Saciid Raage
3- Xidigle Maxamed Tooxow oo dhamaantood ahaa saraakiisha ilaalada ka heysay Xabsiga.

Weerarka oo markii hore ku bilowday rasaas ayaa markii dambe isku badalay iney kooxdii weerarka fulisay ay isticmalayeen Bambo gacameedyo aan la aqoon halka ay ka heleen.

Xaalada oo ah hada mid degan balse uu gudaha ka socdo baaritaano ay wadaan ciidamada sida gaarka u tababaran ee xoogga Soomaaliya oo la wareegay amaanka guud ee Xabsiga Xamar.

Wali si rasmi ah looma xaqiijinin khasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi ka dhacay xabsiga.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s