Faah faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya Rasaas xoogan oo ka socota xabsiga dhexe ee Xamar kaasi oo ay ku jiraan Maxaabiis badan.
War Lagu Kalsoonaan karo ayaa sheegaya in qof maxbuus ah uu gacanta ku dhigay qori uu lahaa askari ka mid ah ilaalada xabsiga sidaasna ay ku bilaabatay Is rasaaseynta.
Inta la Xaqiijiyay wararka hordhaca ah ayaa sheegaya dhimashada iyo dhaawaca askar dhowr ah oo katirsan Ilaalada Xabsiga dhaxe.
Wali waxaa socoto Is Rasaaseynta ee kala soco wixii Kusoo Kordha