Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Deni, ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida Mareykanka


· 

Image may contain: 3 people, close-up

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida Mareykanka guulaha ay ka gaareen doorashooyinka hordhaca ah, waxaana uu hambalyo u diray Ilhaan Omar, Omar Fatah iyo Jamaal Osmaan.

Ilhaan Omar ayaa markale ku guuleysatay inay Xisbigeeda Dimuqraadiga ku metesho degmada 5-aad ee Congresska Mareykanka, marka la gaaro Doorashada November. Omar Fatah ayaa isna ku guuleystay Golaha Senateka ee Gobolka Minnesota oo Soomaalidu aysan hore ugu guuleysan, halka Jamaal Osmaan uu isna ku guuleystay degmada 6-aad ee magaaladda Minneapolis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey dadaalka ay sameeyeen xubnahan oo dhammaantood reer Puntland ah, wuxuuna u rajeeyay guul waarta inay ka gaadhaan doorashooyinka dambe ee ay ku gaadhayaan himiladooda, Madaxweynaha ayaa ku booriyey inay dedaalka sii laba jibaaraan si ay uga gun gaadhaan yoolkooda, taasi oo guul u ah dhamman ummadda Soomaaliyeed.

=DHAMMAAD

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s