Xiisad dagaal oo kasoo cusboonatay G. Sool & Puntland oo ka hadashay

Xiisad dagaal oo u dhexeysa labo maleeshiyo beeleed ayaa kasoo cusboonaatay  Degaanka Lafweyne ee Degmada Xudun ee Gobalka Sool.

Xiisadan oo salka ku heysa aano qabiil, ayaa daba socoto dagaalo horey uga dhacay Degaanka kuwaas oo u dhexeeya Labadan beelood.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdi Warsame Qowdhan, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ugu baaqay Labada beelood in la qaboojiyo colaada, isagoona sheegay in loo baahan yahay in la wada ilaasho Nabadda Degaanka

Hoos ka Akhriso qoraalka Wasiir Qowdhan.

Nabad Baa Naas La nuugo Leh

Waa walaalo,waa ilmaader,waa tol,waaa inan iyo aabbihii ama inan iyo abtigii, “waxaa lagu noolyahay nabada balse nabadu inaguma noola” wax inaga wada dhexeeya  oo lagu wada mabsuudo waxaa u weyn ee jiraa waa Nabad.

Colaada Ka Soo cusboonatay Duleedka Lafweyne Ee Degmada Xudun  Runti maaha Colaad Fog  Waxay uu Baahantahay in Juhdi iyo Dedaal La Geliyo ku Soo Celinta Degaanka Ee  Xasiloonida Amni  lagana wada shaqeeyo oo loo dedaalo .

Ugu Dambeyn Waxa aan Baaq Uu Diraya Nabadoonada iyo Waxgaraadka Gobolka Sool Oo Aan ugu Baaqayo in ay Kala Dhexgalan Beelaha Walaalaha Ee  Colaada Cusub Ka Soo Dhex Cusboonatay .

Alle Ha ka Qaboojiyo Walaalaheen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s