Madaxweyne Deni iyo M/Wayne Ahmed Madobe o laga yaabo in ay qadacaan Shirka Dhussmareeb

War aan goor dhaw Ka helay Garoowe ayaa ii xqiijinaya in Labada Dawlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland ba ay qaadhaceen imaanshiyaha shirka Dhuusamareeb, iyaga oo Ka boyo diidan laba arrimood oo Kala ah

1- in aanay jirin Xukuumad iyo RW sii wadi Kara Natiijo kasta oo Ka soo baxda Shirka Dhuusamareeb.

2-In hadalkii Madaxwayne Farmaajo Ka jeediyay Golaha Shacab uu ahaa mid wadada Ka leexinaya natiijo lagu camal falo oo Ka yimaada Shirka Dhuusamareeb.

3- in aan kalsooni lagu qabo Karin Madaxwayne Faaajo, marka la fiiriyo talaabooyinkii uu qaaday shirkii Dhuusamareeb 2 kadib iyo habdhaqankiisii xiritaankii Shirkaas.

Waxaana sarkaal Sare oo Ka tirsan Dawladda Puntland uu sheegay in Iyada oo aan arrimahaas oo dhan xal laga gaarin ay adag tahay Ka soo qaybgalka Shirka 3-aad ee Dhuusamareeb.

Labada Madaxwayne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa xilligaan Kala jooga Nairobi iyo Jabuuti, waloow Siciid Dani uu Galabta soo gaarayo Garoowe.

Siyaasiyiinta iyo dadka falanqewya arrimaha Siyaasadda ayaa sheegaya in aanay xaaladu Ka tirsan doonin soo faragalinta beesha caalamka, mar hadii kalsoonidii Madaxwayne Farmaajo iyo Xubnaha Maamul goboleedyada qaar kood ay shaki gashay.

Hassan Adde

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s