
Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay madaxda dowladda federaalka aysan qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay oo waqtigeeda ku dhacda.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in dalkaan ay ka keeneen meel aad u adag, sidaa darteed marna aysan oggolaan doonin in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado dad raba inay xukunka sii joogaan.
Hoos ka akhriso qoraalka Sheekh Shariif oo dhameystiran
Waxaan aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay.
Xaqiiqdii dalkaan waxaan ka keennay meel aad u adag, sidaa darteed marna ma oggolaan karno in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba.
Waxaan ka digeynaa dhibaato noo muuqata oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaanayo ay ismoodsiinayaan, waxaana caddeyneynaa in aan marnaba laga aqbali doonin in maalin ay kursiga sharci darro kusii joogaan.
Sidoo kale waxaan uga digeynaa guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxtooyada. 0