Puntland oo la qabsaday hubkii ugu badnaa & Ciidamo gacanta ku dhigay


– Xog rasmi ah oo ay heshay Puntlandtimes.com ayaa sheegaya in Puntland laga qabsaday dooni hub ah, taas oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya.

Doonidani hubka siday oo warar kala duwan kasoo baxayaan ayaa hubka ay siday u badnaayeen qoryaha fud fudud iyo hub kale, waxaana madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni uu kulan kula qaatay dalka Jabuuti madaxweynaha dalkaasi si loogu soo daayo Puntland doontaasi hubka ah

Doonta hubka waday ayaa la sheegay in ay hubka u siday dowladda Puntland, kuwaas oo lagu qalabayn lahaa ciidamada kala duwan ee dowladda, hasa yeeshee waxaa jira warar kale oo ay sheegaya in doontu ay hubka u waday ganacsato kamid ah kuwa Puntland oo uu madaxweyne Denni qayb ka yaha

Saciid Denni ayaa intii uu ku sugnaa dalka Jabuuti dadaalo badan ku bixiyey soo daynta doontaasi hubka ah, waxaana uu la kulmay dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanka iyo kuwa Jabuuti iyo madaxda dalka Jabuuti oo dhambaal uu u faray saraakiisha ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya si doonta loogu soo daayo.

Maamuladda ka jira dalka ayaa hubka kasoo gata dalal ay kamid yihiin dalka Yemen oo xuduud kala leh Soomaaliya dhanka badda, waxaana marar badan xeebaha Soomaaliya lagu qabtay doonto si sharci daro ah hub u galinaya Soomaaliya kuwaas oo la aaminsan yahay in hubka ay u gudbiyaan kooxaha ka dagaalama dalka ee Daacish iyo Al-shabaab oo halis amaan ku haya Soomaaliya balse ma jirto weli wax war kasoo baxay doonta Puntland laga qabtay ee hubka siday iyo cid ka hadashay marka laga reebo dadaalada lagu soo daynayo oo ay weli wado xukuumadda madaxweyne Denni

Xigasho P Times

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s